​Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Safarkiisa Qandala iyo dilalkii ka dhacay Bosaso [Dhagayso]

Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa ka hadlay safar qaatay muddo 3 saac ah oo  isaga iyo xubno katirsan dowladda ku tageen degmada Qandala ee gobolka Bari.

Gaas, ayaa waraysi uu siiyay VOA, ku sheegay in degmadan ay tahay mid taariikhi ah islamarkaana khayraad badan ka helaan shacabka Puntland, balse dhibaato xooggan u gaysteen koox katirsan Daacish.

Madaxweyanaha, ayaa xusay in safarkan oo dhinaca badda ahaa, la xiriiro sidii dadka deegaanka loogu boorin lahaa inay dib usoo laabtaan magaalada iyadoo la howlgalinayo dhammaan xarumihiin bulshada iyo kuwii dowladda ee laga qaxay.

Mar wax laga weydiiyay halka ay ku dambeeyeen kooxdii qabsaday Qandala, wuxuu sheegay inay qaybtood gacanta ku dhigeen, koox kale firxadeen halka kuwo kale lagu raad joogo isagoo ballanqaaday inaysan sii joogi doonin Puntland, wuxuuna ku sifeeyay Khawaarijiyiin ilaahay ka fogaaday oo dadka dhibaataynaya.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale ballanqaaday in magaalada joogi doonaan ciidamo katirsan Puntland, kuwaasoo ka hortagi doona falalka Xagjiriinta.

Wuxuu xusay inuu kormeer kusoo sameeyay dhammaan qaybaha magaalada isagoo intaas ku daray inuu tagay goobihii caafimaadka, waxbarashada, saldhigga booliiska iyo goobo kale, kuwasoo kusoo arkay dhibaato laxaad leh.

"Waxaan booqday cusbitalka magaalada, waxaan soo aragnay bur-bur loo gaystay sida tallaagadihii iyo soollarkii cusbitaalka oo ay xabad la dhaceen kooxdaas oo runtii aan wax wanaag ah u wadani bulshada,"Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa sidoo kale sheegay inay amarsiiyeen wasaaradaha Caafimaadka iyo waxbarashada si dadka deegaanka wax loogu qabto.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale wax laga weydiiyay, dilal ka dhacay magaalada Bosaso oo lagu laayay mas'uuliyiin katirsan dowladda, wuxuuna sheegay inay rajo wanaagsan qabaan islamarkaana gacanta kusoo dhigi doonaan dadkii falkaas fuliyay, wuxuuna sheegay in magaalada Bosaso tahay amni.

Hadalka Gaas, ayaa yimid xilli wali laamaha amnigu gacanta kusoo dhigin kooxihii ka dambeeyay dilka saraakiishaas iyadoo sidoo kale aan war laga hayn halka ay ku dambeeyeen kooxdii ka baxday degmada Qandala ee sheegatay inay katirsantahay Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM