​Madaxweynaha Sudan oo wadnaha laga qalay

Image

Madaxweynaha Sudan, Cumar Al-Bashiir, ayaa wadnaha lagaga qalay cusbitaalka wayn ee caasimadda Khartoum.

Hadal kooban oo wakaaladda wararka SUNA baahisay ayaa lagu sheegay in madaxweynaha oo 73 jir ah loo sameeyey qalliin fudud oo xidid kuwa wadnaha ah xinjir lagaga saarayey fiidnimadii Arabacada, qalliin kaas oo lagu sheegay mid fudud oo lagu daweeyo xididada wadnaha ee xidhma.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in isla markiiba madaxweynuhu waajibaadkiisii shaqo ku noqday markii qalliinka loo sameeyey.

Sarkaal dowladda ka tirsan oo ay wakaaladda wararka Reuters la hadashay ayaa sheegay in qalliinku ahaa mid fudud waxaanu intaa ku daray "madaxweynuhu judhiiba wuu ka baxay cusbitaalka".

Bashir wuxu xukunka ku qabsaday af-gembi sannadkii 1989, ilaa haatanna sidii buu hogaanka u hayaa. Waxa lagu eedeeyaa inuu cabudhiyo mucaaradka iyo warbaahinta arrintaas oo mudaharaaddo aan sidaa u waynayni ka dhasheen sannadihii u dambeeyay.

Al-Bashir waxa sidoo kale maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ay ku eedaysay falal xasuusqa ah, dambiyo dagaal iyo kuwo laga galay aadamenimada, eedahaas oo dhamaantood uu wada beeniyey isaguna.

BBC

Related Articles

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM