Madaxweynaha Turkiga oo ka digay nacaybka Muslimiinta

Image

19 November, 2015(GO)-Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in weeraradii Paris ay dhiiri gelinayaan naceybka ka dhanka ah muslimiinta iyo qaxootiga ku sugan, waxaana uu hogaamiyayaasha ugu baaqay inay adeegsadaan dareen guud.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP, Recep Tayyip Erdogan ayaa khamiista sheegay inay jiraan weeraro ka dhan ah muslimiinta iyo mowqif adag oo laga qaadanayo qaxootiga, kadib weeraradii Paris.

Waxa uu sheegay in ficilladan cusub ay sii qota dheereynayaan un musiibadii horey u jirtay.

“Haddii aynaan ka hortagin weerarada isir naceybka ku saleysan iyo dhaqdhaqaaqyada waalida ah, qatar iyo musiibo cusub waa lama huraan, isir naceybka iyo caddaawadda ka dhanka ah muslimiinta waa qatarta ugu xooggan” ayuu yiri Erdogan.

Hoggaamiyaha Turkiga waxa uu sheegay in muslim ahaan uu cambaareynayo weeraradii Paris ee ay fulisay kooxda Daacish, waxaana uu ugu baaqay muslimiinta kale inay cambaareeyaan.

Xigasho: VOA

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM