Madaxweynaha Ukraine oo doonaya inuu la kulmo Putin

Image

KYIV, Ukraine - Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Vladimir Putin si uu u ogaado "waxa uu doonayo madaxweynaha Ruushka" oo uu u raadiyo "xalin nabadeed", iyada oo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo duulaanka soo socda.

Gelinka dambe ee Axadda, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Putin.

"Ma garanayo waxa madaxweynaha Ruushka uu doonayo, marka waxaan soo jeedinayaa kulan," Zelenskyy ayaa ka sheegay shirka amniga Munich, halkaas oo uu sidoo kale kula kulmay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris Sabtidii.

Wuxuu intaas raaciyey: "Ukraine waxay sii wadi doontaa inay raacdo kaliya dariiqa dibloomaasiyadeed si loo helo heshiis nabadeed".

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u yeeri doona Putin Axadda si uu isugu dayo in uu baajiyo waxa quwadaha reer galbeedka ay saadaalinayaan in uu noqon doono duullaan ku soo wajahan Ukraine.

Dadka rayidka ah ayaa laga daadgureeyay gobollada jiidda hore ee sii xoogaysanaya, halkaas oo Kyiv ay sheegtay Sabtidii laba ka mid ah askarteeda in ay ku dhinteen weerar, waa dhimashadii ugu horreysay ee iskahorimaadka muddo bil ka badan.

Rabshadaha bariga Ukraine ayaa sare u kacay maalmihii la soo dhaafay. Dagaalka ayaa si goos goos ah u socday muddo sanado ah kaas oo u dhexeeya ciidamada Ukraine iyo fallaagada uu Ruushka taageero balse xeerdheerayaasha ayaa sheegaya in iska hor imaadkaan uu keeni karo dagaal culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM