Madaxweyne "xadey" dareenka shirka UN-ka kadib talaabo dhif ah

Image

SAN SALVADOR, El Salvador – Madaxweynaha El Salvador ayaa qabsaday hadalheynta ugu badan ee baraha bulshadda iyo warbaahinta caalamka ka gedaal markii uu sawir isaga dhex-qaaday xarunta UN-ka.

Nayib Bukele, oo arrintan sameeyay kahor inta uusan jeedin kalmadiisa meertada 74aad ee fadhiga loo dhan yahay, ayaa waxa uu ogolaanshiyo waydiistay dhageysteyaasha kahor inta uusan ku dhaqaaqin.

Isaga oo xiran suut madow oo bilaa tay ah isla markaana timaha xaga dambe ugu shan-leysan tahay, 38-sano jirkan ayaa u mahad-celiyay hogaamiyeyaasha caalamka si gaar ah xaaskiisa iyo gabadhiisa.

"Hadii aad ii adkeysan kartaa daqiiqado," ayuu yiri. Kadib wuxuu lasoo baxay iPhone 11-kiisa, iskana qaadey sawir wejiga ah, soona dhigay Twitter-ka, oo 1.1 milyan taageereyaal uu ku leeyahay.

Bukele oo ay u dhaxdo Gabriela Rodríguez de Bukele tan iyo 2014-tii ayaa aad u isticmaala baraha bulshadda. Waana mid kamid ah sababihii u sahley in uu ku guuleystay doorashadii bishii June.

"I rumeysta, dad badan ayaa arki doona sawirkegya kadibna way dhageysan doonan khudbadeyda," ayuu raaciyey, isaga oo u muuqda mid aad ugu faraxsan talaabada uu qaadey.

El Salvador, waa dal yar oo dhaca Bartamaha qaaradda Ameerika. Dadkiisa waxaa lagu qiyaasaa 6.6 milyan. Balse waxaa la degay farqi iyo rabshado. Tani waxay keentay in muwaadiniintu u qaxaan Mareykanka.

"Sawirro badan oo Instagram-ka la dhigo ayaa ka saameyn badan khudbad walba oo laga jeediyo Golahan," ayuu daba dhigay. Waxay u ahayd markiisii ugu horeysay oo uu cago dhigto xarunta Qaramada Midoobey.

Sikastaba ha ahaatee, Nayib Armando Bukele Ortez oo dhashay July 24, 1981 ayaa ah ganacsadde. Wuxuu noqonayaa madaxweynihii 46aad ee taariikhda soo mara waddanka El Salvador.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM