Madaxweyne hakiyey hadal-jeedin kadib xaalad lasoo dareystay

Image

DAMASCUS, Syria – Madaxweynaha 54-jirka ah ee Suuriya, Bashaar Al-Asad, ayaa Arbacadii laga jeer hakiyey hadal-jeedin uu ka sameeyay baarlamaanka kadib markii uu hoos u dhac ku yimid shaqadda caadiga ah ee dhiigiisa.

Al-Asad oo ah dhakhtar indhaha ayaa labadaas jeer midkood cabay koob biyo ah, halka kolka kale uu ka baxay hoolka si uu u soo nasto. Inkasta oo mudaneyaasha uu waydiistay hal daqiiqo, ma cadda saacada uu maqnaa.

Hogaamiyaha dalkaan colaadaha sokeeye la dageen oo hoolka dib ugu soo laabtey ayaa bilaabay khudbadda xilli uu u muuqdey mid daalan.

Kadib soo laabashadiisa wuxuu ku kafmay "dhakhaatiirta waa bukaanada ugu xun". Isagoo sii hadlaya ayuu intaas raaciyey "Tan iyo shalay galabtii wax ma cunin. Ma jirto sonkor iyo cusbo, tanina waa ay dhacdaa".

Hadal-jeedintiisa ayuu sameeyay isagoo xiran af-saab maadaama Suuriya laga helay kiisas badan oo la xiriira caabuqa sidda fudud u faafa.

Madaxtooyadda ayaanan wali fahfaahin buuxda ka bixin xaalada Bashaar, wallow aysan jirin mar-xalad shaac-baxsan oo horey loogu ogaa.

Khudbadii uu baarlamaanka ka jeediyay ayuu diiradda ku saarey arrimaha siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaale xumida waddankaasuu wajahayo iyo xayiraada uu Mareykanka saarey Suuriya, arrintaas oo uu si xooggan cambaareeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM