Madaxweyne shaaciyey in xaaladiisa caafimaad aysan taam ahayn

Image

MANILA, Philippine – Madaxweynaha dalka Philippine, Rodrigo Duterte, ayaa wuxuu si cad u qiray in xaaladiisa caafimaad aysan "taam ahayn". Tani waxay timid xili 74-sano jirkaan aysan arkin dadweynaha.

Duterte ayaa soo gaabiyey safar uu bishii hore ku tegay Japan markii uu lasoo darsay xanuun "aan laga soo qaban karin" oo laf-dhabarta ah kadib shil mooto. Dhacdadaas kadib laba isbuuc ma hadlin.

Shilka ayaa yimid tobban maalmood kadib markii horaantii October uu shaaca ka qaadey in uu wajahayo murqe xanuun isla markaana awoodiisa jir ahaaneed ay hoos u sii dhaceyso maalinba tan xigta.

"Hadii aad i waydiiso 'caafimaadkaaga ma wanaagsan yahay? Dabcan mahan sidaas," ayuu Jimcadii u sheegay TV-ga GMA oo wareysi gaar ah uu siiyey.

Wuxuu raaciyey: "Maadaama aan duqoobay, dhamaan kala goosyadeyda waa ay daciifeen….caafimaad-daradeyda waa ay sii kordheysaan, halka nolosheyduna tahay mid bilowday in ay la jaan-qaado".

Rodrigo Duterte oo loolan kula jiray Mareykanka ayaa horey waxaa looga soo wariyey xanuuno ay kamid yihiin madax wareer iyo maqaarka oo adkaada, oo ah xanuun uu sababo sigaar cabida.

Dastuurka Philippine, oo dal dhaca Aasiya, ayaa wuxuu xeerinayaa in kaliya uu madaxweyne xilka ku wareejin karo ku xigeenkiisa hadii ay lasoo darasnaa saddexaad xaaladood; tabar darri, is-casilaad iyo geeri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM