Madaxweyne ku-xigeenka Maldives Island oo la xiray

Image

24 Octobar, 2015(GO)-Madaxweyne ku xigeenka Maldives Ahmed Adeeb ayaa la xiray ka dib xilli ka soo laabtay booqasho uu ku tagay dalka China, waxaana looga shakisanyahay ku lug lahaanshaha weerar lagu qaaday dooni oo la socday madaxweyne Gaymoon.

Madaxweynaha Maldives Yameen Abdul Gayoom ayaa la weeraray 28 September, xilli uu ka yimi garoonka diyaaradaha isaga iyo xaaskiisa.

Gaymoon, ayaa falkaasi ka bad baaday balse, waxaa dhaawac soo gaaray mid ka mid ah ilaaladiisa, waxaana weerarka ka dib socday baaritaano lagu raadinayo cidda ka dambaysa, iyadoo lagu tuhmay ku xigeenkiisa.

Ku-xigeenka madaxweynaha ayaa lagu hayaa xabsi ku yaalla jasiirad ku taala Island.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM