Madaxweyne raaligeliyey bixiyey kadib markii laga helay Coronavirus

Image

WARSAW, Poland – Madaxweynaha 48-jirka ah ee Poland oo xaqiijiyey in uu uu soo ritay Covid-19 ayaa raaligelin siiyey shaqsiyaadka la tuhunsan yahay in uu qaad-siiyey fayruska kadib markii ay maalmo kahor kulmeen.

Andrzej Duda oo ku biiraya hogaamiyeyaasha caalamka ee aafadan ay saameysay ayaa Jimcadii laga qaadey tijaabadda waana laga helay cudurka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu ku muujiyey sidda uu uga xun yahay in uu haleelo safmareenka khatartiisu badan tahay.

"Waxaan jeclaan lahaa in aan raageliyo dhamaan dadka karantiilka u galay in ay aniga ila kulmeen maalmihii ugu dambeeyay," ayuu yiri. "Hadii aan isku arki lahaa calaamado, fadlan i aamina, dhamaan shirarka waan baajin lahaa".

Madaxweynaha Bulgeria oo karantiil galay iyo xidigta Tayniska ciyaarta ee Iga Swiatek ayaa kamid ah dadkii u dambeeyay oo ay wada kulmeen.

Wallow ay wateen af-saabka, haddana aad ayay isugu dhowaayeen waxayna sameeyeen gacan-qaad taasoo walwalka sii kordhineysa.

Madaxweynaha ayaa awoodihiisa muhiimka ah sidda siyaasadda arrimaha dibadda iyo saxiixda shuruucda wuxuu ku waarijiyey ra'iisul wasaarihiisa Mateusz Morawiecki kaasoo shaqadda dowladda sii wadi doona.

Poland oo ah dal ay ku nool yihiin 38 milyan ruux ayaa Jimcadii wuxuu diiwaan-geliyey in ka badan 13,600 xaalado cusub oo ah Coronavirus, iyaddoo ay u dhinteen 179, waxaana lasoo kordhay bandow aad u balaaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM