Madaxweyne Tacliinta 'u adeegsanaya hub uu ku fusho ajande siyaasadeed'

Image

SAO PAULO, Brazil – Kumanaan arday, Barreyaal iyo Bilmi-baareyaal ku sugan Brazil ayaa Arbacadii isugu soo baxay wadooyinka si ay uga dhiidhiyaan markii ay dowladdu jartay miisaaniyada waxbarashada.

Banaanbaxayaasha oo u muuqda kuwa careysan ayaa ku eedeeyay madaxweyne Jair Bolsonaro in uu tacliinta u adeegsanayo "hub siyaasadeed" si uu ugu fusho ajande uu dabada ka riixayo.

Wasaarada Waxbarashada oo sheegtay in go’aankaasi uu saameeyay guud ahaan adeegyada bulshada ayaa waxay ku dooday in ay sabab u tahay dhaqaalo burbur xoogan oo ka jida wadankaasi.

Midowga Ardayda Brazil oo ku gacan-seyray fasiraad wasaarada ayaa sheegay in Bolsonaro uu arrintaan uga gon-leeyahay si uu xeer-dejinta ugu cadaadiyo ay meel-mariyaan xeer uu wato.

Hindisa Sharciyeedkaasi oo aad la isugu soo dabariday balse muran badan dhaliyay ayaa qeexaya da'da howl-gabnimadda.

"Mudaaharaadka wuxuu ka dhan yahay waxa ka dhacaya wasaarada waxbarashada," ayuu yiri Celso Napolitano, madaxweynaha Midowga Macalimiinta magaaladda Sao Paulo.

Dibad-baxyadda oo ah kuwa si nabdoon u socda ayaa waxaa la filayaa in ay sii socdaa maalmaha soo aadan.

"Dhaqaalaha oo laga jaro Jamaacadaha Federaalka waxay ka dhigan tahay geeri ku hab-satay waxsoosaarka sayniska ee Brazil," ayuu hadalkiisa kusii daray Napolitano, sida ay kasoo xigtay warbaahinta.

Isu soo baxa oo ka dhacay 27 magaalo oo kamida guud ahaan wadankaasi dhaca qaarada Ameerika ayaa waxay dadku barha bulshada ku adeegsanayaa erayga "duufaantii waxbarahada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM