Madaxweynihii dalka Bolivia oo is-casilay kadib mudaaharaadyo

Image

SUCRE, Bolivia – Madaxweynihii dalka Bolivia, ee dhaca koonfurta qaaradda Ameerika, ayaa xilka iska casilay kadib 14-sano oo uu xafiiska joogay.

Is-casilaadda ayaa waxay ka dambeysay markii waddankaas ay la dageen qalalaaso iyo jahwareer ka dhashay dib u doorashadiisa bishii hore.

Taliyaha ugu sareeya ciidamadda dalkaas ayaa ku tartarsiiyay in uu xukunka dego markii mudaaharaadyo waaweyn ay ka qarxeen guud ahaan dalka.

Hantidhowraha guud ayaa baaritaan ku ogaaday in coddeyntu ka jirtay isla sinaansiyo la’aan, balse Mr Morales wuxuu isku qeexay "dhibane afgembi".

Evo Morales ayaa sidoo kale tilmaamay in uu isku casilay si uu u badbaadiyo qoyskiisa xulafada kula ah siyaasada markii dab la qabad siiyey hoygooda.

Banaanbaxayaasha ayuu ku tartarsiiyey in ay joojiyaan "weerarka ay ku hayaan wiilashooda iyo gabdhahooda, ka joojiya weerarka iyo gubitaanka".

Dibadbaxayaasha iyo hogaamiyeyaal ayaa soo dhaweeyay is-casilaadda, iyaga oo ku qeexay "bog cusub oo u furmay dimoqraadiyadda waddankooda".

Waa kuma Evo Morales?

Madaxweynihii ugu horeeyay ee asal ahaan kasoo jeeda Bolivia ayaa xukunka hayey tan iyo sanadka markii uu ahaa 2006-dii.

Bishii lasoo dhaafay ee October ayuu xafiiska u tartamay markii afaraad. Muran ayaase hareeyay go’aankiisa markii isku dayey in uu Dastuurka wax ka bedelo.

Afti la sameeyay sanadkii 2016-kii, dadka waddankaas ayaa "maya" ugu codeeyay in la xadido tiradda uu madaxweynaha xafiiska joogi doono.

Sikastaba ha ahaatee, xisbiga Mr Evo Morales ayaa qadiyadda waxa uu geeyay Maxkamadda Dastuuriga, taasoo gaashaanka ku dhufatay dalabkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM