Madaxweynihii France ee labada jeer geerida ka badbaaday oo dhintay

Image

PARIS, France – Madaxweynihii hore ee Faransiiska, Jacques Chirac ayaa dhintay isaga oo 86-sano jir ah, sidda uu Khamiista maanta ah shaaciyey qoyskiisa.

Chirac, oo ku dhshay Paris, caasimadda France, ayaa xukunka hayey intii u dhaxeysay May 17, 1995 illaa iyo May 16, 2007.

Hogaamiyeyaal kala duwan oo caalamka ah ayaa waxay ka fal-celiyeen geerida Jacques Chirac, iyaga oo ku ammaanay talaabooin uu qaadey.

Mid kamid ah go’aanadda cajiibka ah ee lagu xasuusan doono ayaa ah in uu kasoo horjeestay dagaalkii Mareykanka ku qaadey Ciraaq 2003-dii.

Sidoo kale, waxa uu aad u dhaleeceeyay dagaalkii Yahuuda la dhashay Lebanon sanadka markii uu ahaa 2006-dii.

Dadka isaga dhaliila ayaa aad u buun-buuniya fadeexo musuqmaasuqa oo hareeyay sumcadiisa markii uu ahaa Duqa magaalada Paris.

Sanadkii 2000-dii markuu ku dhowaaday geeri markii diyaaradii uu saarnaa uu ku sugneyd madaarka Charles de Gaulle uu dab-qabsaday kadib shil.

Waqtigaas waxaa wehlisay marwadda koowaad. Labadooda waa ay ka badbadeen falkaasi noloshooda khatarta badan geliyay.

Laba sano kadib, nin hubeysan ayaa rasaas ku gannay mooto uu saarnaa intii lagu guda jiray dabaaldegii Bastille Day, maalinta xorriyadda Faransiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM