​Madaxweynihii hore Cuba oo geeriyooday

Image

Madaxweynihii hore dalka Cuba Fidel Alejandro Castro Ruz, ayaa geeriyooday isagoo jira da'diisu tahay 90 sano, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay walaalkiis oo hadda madaxweyne ka ah dalkaas, Raul Castro.

Ra'ul, ayaa Telefishinka dowladda ka sheegay in madixii kacdoonka Cuba uu geeriyooday saacaddu markay ahayd 10:30pm xalay wakhtiga Cuba.

Majirto faah faahin intaas ka badan oo kusii daray, balse waxaa la iclaamiyay in maalinta Sabtida lagu gubi doono gobolka uu ku dhashay iyadoo la waafajinayo dhaqanka dalkaas.

Waxaa sidoo kale loo asteeyay in dhowr maalmood baroor-diiq loo samayn doono.

Geeridiisa ayaa timid iyadoo muddooyinkii dambe xaaladiisu wanaagsanayd inkastoo uu xanuunsanaa.

Fidel, ayaa dalkaasi xukumayay muddo 50 sano, laga soo bilaabo 1976 ilaa 2008 xilligaas oo ku wareejiyay walaalkiis Raul.

Ninkan oo dalkiisa ku xukumayay nidaamka Shuuciyadda, ayaa halkan dheer usoo galay inuu joogteeyo mabda'iisa, wuxuuna dagaal adag kala kulmay Maraykanka oo intii uu xafiiska joogay soo mareen 10 Madaxweyne.

Wuxuu dhowr jeer ka bad-baaday qorshe CIA-da Maraykanku ku khaarajin rabeen.

Fidel Alejandro Castro Ruz waxa uu dhashay 13-kii bishii Agoosto ee sanadkii 1926, waxa uuna ka soo jeedaa qoys beeroley maalqabeen ah oo ka soo haajiray dalka Spain.

Inkastoo dad badan oo reer Cuba ah ay nacayb badan u hayaan Castro, haddana waxaa jira dad kale oo aad u badan oo Castro aad u jecel, waxa ayna u arkaan halyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM