Madaxweynihii hore ee Masar oo maxkamad ku dhex-geeriyooday

Image

QAAHIRA, Masar - Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Mursi, ayaa ku dhex-geeriyooday fadhi ay ka socotay maxkamadeyntiisa, maanta oo Talaado ah.

Saxaafadda maxaliga ah ayaa waxay ku warameysa in Mursi uu ku dhex-suuxay gudaha maxkamadda isla markaana daqiiqado kadib la xaqiijiyey in uu dhintay.

Mursi ayaa waxaa sanadkii 2013-kii xukunka ka afgambiyey hogaamiyaha waqti xaadirkan ee Masar Cabdul Fataax Al-Sisi, kaasi oo ahaa taliyaha ciidamadda.

Wargeyska Egypt Today ayaa tabinaya in kahor inta uusan dhulka ku dhicin Mursi uu codsaday in uu hadlo isla markaana xeer-beegtada u ogolaatay.

Warbaahinta dowladda gaar ahaan Telafishinka oo baahisay warka geerida Mursi ayaa nan soo bandhigin sawirada iyo qaabka uu u geeriyooday Mursi.

Mursi ayaa waxa uu kamid ahaa xubnaha ugu cad-cad ee Ururka Walaalaha Muslimiinta kaasi oo gudaha dalkaasi Masar mamnuuca ka ah loogana aqoonsan yahay "argagixiso".

Maxkamad ayaa todoba sano oo xabsi ah ugu xukuntay in uu ka been-sheegay waraaqihiisa araajida ee doorashadii 2012-kii.

Sanadkii 2012-kii ayuu madaxweyne noqday balse waxaa galaaftay banaanbaxyo xoogan, bishii Julaayo 2013-kii, taasoo qasabtay in milatariga uu talaabo qaado.

Intaasi kadib, waxaa lagu soo oogey dacwado kala duwan oo ay kamid yihiin; baqdin gelin, khaarijinta dibad-baxeyaal, xabsi ka baxsasho iyo in uu aflagaadeeyay garsoorka.

Qaar kamid ah hogaamiyeyaasha aduunka oo uu kamid yahay madaxweynaha Turkiga, Racep Tayib Ardogan oo ay xulufo ahaayeen Mursi ayaa ka tacsiyeey geerida, wuxuuna sheegay in uu murugada la wadaagayo reerka uu ka baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM