Madoobe oo ku noqdey Kismayo, heshiis la galey siyaasiyiinta Gedo

Image
Image
Image
Image

07 August,2015 (GO)- Madaxweynaha Jubaland Axmad Madoobe oo booqasho ku joogey maalmihii la soo dhaafey magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa galabta dib ugu noqdey magaalada Kismayo kadib markii uu heshiis la gaarey siyaasiyiinta degaankaas.

Madoobe ayaa saxaafada u sheegey in isaga, madaxweyne ku-xigeenka Fartaag iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradiisa la kulmeen siyaasiyiinta gobolka Gedo isagoo xusey in arrimihii jirey laga gaarey xal islamarkaana la gartey in la tageero maamulka waqtigiisa sii dhamaanayo iyadoo laga qayb galayo doorshooyinka soo socda.

Siyaasiyiinta ku sugnaa kulankaan islamarkaana horey saluug ugu muujiyey maamulka Jubbaland ayaa waxaa kamid ahaa Maxamed Cabdi Kaliil , Maxamed Yuusuf Awlibaax , Cabdiraxmaan Axmed Amiin , Maxamuud Sayid Adan iyo Cabdi Barre Shire, waxayna u sheegeen inay hadda xal laga gaaray waxyaabihii la isku hayay ayna taageersan yihiin Barlamanka Jubaland kasoo lagu dhisay magalada Kismaayo.

Dhameystirka khilaafadkan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii Barlamanka Jubaland ku dhawaaqey in la qabanayo dorashooy loogu tartamayo madaxweynaha maamulkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM