Magaca ninka dilalka ugu badan ka geystay Mareykanka oo la shaaciyey

Image

WASHINGTON, US – Hay'adda Sirdoonka Mareykanka ee loosoo gaabiyo FBI ayaa Talaadada maanta ah xaqiijisay in gacan ku dhiigle xiran uu qirtay in muddo afar iyo toban sano gudahooda ah uu ku dilay 93 qof.

Tani ayaa Samuel Little waxay ka dhigeysaa in uu yahay dilaaga ugu badan ee guud ahaan taariikhda wadankaas.

Booliska ayaa sheegaya in 79 illaa iyo 50 kiis oo ninka uu ku lug-yeeshay intii u dhaxeysay 1970 illaa iyo 2005-tii. Sideed kamid ah falalkaas oo uu qirtay xukun xabsi garka loogu geliyay.

Xukun xabsi daa'in oo garka loo geliyo tan iyo 2012-kii kadib dilka saddex haween ah ayuu waqti xaadirkan u xiran yahay.

Mas'uuliyiinta ayaa xusay in Little uu beegsaday "dad qiimo badan" oo badankood ah haween Afrikaan ah kana ganacsada maandooriyaha, wallow aan la ogayn waxa ku kalifay in uu khaarijiyo.

Little, oo feeryahan ahaa, ayaa kiisaska qaarkood oo uu ku yeeshay waxaa la waayey meydadkooda, taasi oo meesha ka saartay baaritaan iyo dabagal lagu sameeyo si cadaalada uu u wajaho.

War-saxafaadeed kasoo baxay FIB ayaa waxaa lagu bidhaamiyey in "dhamaan gal-dacwadeedyadda lagu soo oogay shaqsigan ay yihiin kuwa uu qirtay isla markaana loo hayo caddeymo buuxda".

Sanadkii 2012-kii ayuu gacanta hay’addaha ammaanka soo galay isaga oo loo haysto ka ganacsiga maandooriyeyaha. Baaritaano kadib waxaa lagu hayo dilal, dhac-hubeysan iyo kufsi uu ka geystay meel badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM