Majaajiliste Zelensky oo loo doortay madaxweynaha Ukraine

Image

KYIV, Ukraine - Majaajilistaha caanka ah ee Volodymyr Zelensky ayaa ku guuleystay doorashada madaxwaynaha Ukraine, kadib markii ku cod-batay wareega labaad.

Zelensky oo labinta ku helay 70% ayaa ka badiyay in ka badan 39 murashax oo uu ku jiro hogaamiyihii waqtigu ka dhamaaday ee Petro Poroshenko.

Mr Poroshenko oo qirtay dharbaaxada haleeshay ayaa waxaa uu wacad ku maray in uusan marnaba siyaasada ka bixi doonin.

"Aniga marnaba madaxeyga hoos uma raaricin doono," ayuu Poroshenko u sheegay suxufiyiinta kadib guuldarada.

Dhankiisa, guuleystaha Mr Zelensky oo u mahad-celiyay cod-bixiyeyaasha ayaa afka ku balaariyay in uusan noqon doonin mid jilicsan.

"Aniga marnaba hoos idinma dhigi doono," ayuu guushiisa kadib u sheegay warbaahinta madax banaan ee maxaliga ah.

Dadka kasoo horjeeda Mr Zelensky ayaa ku dhaliilaya in uusan lahayn waayo aragnimo siyaasadeed xili dalkaan uu wajahayo loolan wadamada dariska uga imaanaya.

Hasayeeshee isaga oo u muuqday mid ka jawaabaya arrinkaasi ayuu si cad daaha uga rogay in aysan taasi ahayn wax aanan jirin.

"Dalalka Midowgii Suufiyeenti, hadii aad doontaa si fiican noosoo eega wax kasta waa suurtogal," ayuu daba dhigay hadalkiisa.

Majaajiliistaan madaxwaynaha noqday ayaa ku caan baxay musasal laga baahiyay mid kamida Tv-yadda ugu caansan Ukraine, halkaasi oo kusoo bandhigay hibadiisa hogaamineed iyo qaabka uu ula dagaalamayo musuqa

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad diiday codsiga Netanyahu ee hakinta dhagaysiga dacwad musuqmaasuq

Dacwadda koowaad, Netanyahu iyo xaaskiisa Sara ayaa lagu eedeeyay in ay ka heleen taajiriin hanti badan oo lagu qiyaasay $260,000.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 12:32PM

Trump oo Hanjabay inuu Maxkamad la Tagayo The New York Times iyo CNN

Warbaahinta CNN ayaa si buuxda u difaacday shaqaalaheeda, iyagoo sheegay in warbixintoodu ahayd mid sax ah.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 07:32AM