Maraykanka: Masaajid Hilib Doofaar lagu dhajiyay

Image

31 December, 2015(GO)-Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa shan kun oo dollar u yaboohday qofkii keena akhbaar hogaamin karta in lasoo xiro dadkii ka dambeeyey xeerta hilib doonfaar oo ceyriin ah oo lagu duubay gacanka laga qabto albaabka masjid ku yaalla magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada.

Bayaan kasoo baxay, ayay FBI-da ku sheegtay in iyada iyo waaxda booliiska ee Las Vegas ay ficilkan ka dhanka ah masjidka Al-Tawxiid u baarayaan dambi naceyb ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay raadinayaan nin caddaan ah oo timo madow, islamarkaana xiran ookiyaal, oo kaamirada ay qabatay isaga oo hilibka doonfaarka ku dhejinaya albaabka masjidka 27-kii December.

Masjidka ayaa waqtigaas marnaa. Ma jirin cid lagu dhaawacay ama waxyeelo la gaarsiiyey masjidka, sida ay sheegtay FBI-da.

Horaantii bishan, ayaa madax doonfaar waxaa laga helay albaabka hore ee masjid ku yaalla magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvani.

Golaha Xiriirka Islaamka Mareykanka ayaa sheegay in sanadkan la beegsaday 70 masajid iyo goobo diimeed oo Mareykanka ku yaalla.

Xigasho: VOA

Related Articles

Riyaalka Iran oo Qiimo-dhac Taariikhi ah Wajahaya, $1 oo Dhaafay 2 Milyan oo Riyaal

Riyaalka ayaa Isniintii ku dhacay qiyaastii 2.02 milyan oo Riyaal halkii doollar, sida lagu sheegay xogta suuqa lacagaha aan rasmiga ahayn.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 01:02PM

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM