​Maraykanka oo ciidamo gaashaama u diray dalka Poland

Image

WASHINGTON, USA- Madaxweynaha dhawaan xafiiska bannayn doona ee Obama, ayaa ciidamo gaaraya 3 Kun oo Askari u diray waddanka Poland kuwaasoo qayb ka noqon doona ciidammada NATO ee ilaalinaya soohdimada Bar ee gaashaan-buurtaasi.

Ciidamadan, waxaa sidoo kale weheliya 80 taangi iyo boqolaal gawaarida gaashaaman oo qeyb ka ah howlgalkan.

Dadka la socda arrimaha labada waddanka ayaa qorshahan ku tilmaamay kii ugu ballaarnaa ee uu Maraykanku sameeyo tan iyo dhammaadkii dagaalkii qaboobaa ee dunida.

Qorshahan, ayaa lagu macneeyay inuu yahay mid Maraykanku ku doonayo sidii uu cadayn lahaa inuu NATO tuso sida uu diyaarka ugu yahay islamarkaana ugala shaqaynayo qaabkii looga hortagi lahaa wuxuu ugu yeeray dandaansiga qaawan.

Daabullida ciidankaasi ayaa dhacaysa maalmo ka hor dhaarinta madaxweynaha la doortay Donald Trump, kaasoo tilmaamay in uu doonayo wanaajinta xiriirka Maraykanka iyo Ruushka.

Jenaraal James Mattis, oo ah ninka uu Trump u magacaabay xoghayaha difaaca, ayaa la filayaa in maanta uu golaha Senate hor yimaado, waxaana ay u badan tahay in wax laga weydiiyo siyaasaddiisa ku aaddan Ruushka.

Tallaabadan, ayaa kusoo aadaysa xilli dadka u dhuun daloola siyaasadda labada waddan ee Ruushka iyo Maraykan ay sheegayeen inuu xiriirkoodu wanaagsanaan karo maadama Trump lagu xanto inuu xiriir wanaagsan la leeyahay xukuumadda Moscow.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM