​Maraykanka oo sheegtay duqayn ka dhacyday Somalia

Image

MUQDISHU- War kasoo baxay Aqalka Pantagon-ka Maraykan ayaa lagu sheegay in ciidamo yar oo katirsan dalkaasi oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca weerar ka geysteen Galbeedka magalada Muqdishu ee dalka Somalia.

Dagaalkaasi waxaa ku wehelinayay ciidamo katirsan Uganda, waxaana la sheegay in lagu qaaday goob bar-kantarool u taallay mallayshiyaad katirsan Shabaab, kuwaasi oo dadka reer guuraga ah ka qaaday lacag ay ugu yeereen "Canshuur Sharci darro ah".

Intii howlgalku socday, waxaa warbixinta aqalka cad ee USA  lagu sheegay in la dilay 5 katirsan kooxdaasi islamarkaana lagu dhaawacay labo kale.

Mallayshiyada ayaa isdifaacaday intii howlgalku socday.

Captain Jeff Davis, oo u hadlay Maraykanka, ayaa tilmaamay in howlgalkaasi lagu guulaystay qorshihii loogu talagalay.

Maraykan ayaa xoojiyay howlgalkiisa Somalia, waxaana dhawr jeer oo hore howlgallo lagu qaaday fariisinno kooxdu ku leedahay Koonfurta Somalia iyadoo ay ka qayb qaateen ciidanka dowladda Somalia ee kumaandoosta ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM