Maraykanka oo u digay muwaadiniintiisa safra

Image

24 November, 2015(GO)-Dowladda Maraykanka ayaa digniin caalami ah u dirtay muwaadiniinteeda u safra dunida, sabab ay ku sheegtay halista joogtada ah ee argagixisada.

Mas'uul ka tirsan Mareykanka ayaa sheegay in ay jirto xog sheegeysa in ururrada Daacish, Al-Qaacida iyo Boko Xaraam qorsheynayaan weerarro lag fulindoono dhawr gobol.

Mareykanku, waxa uu shaaciyay in digniintaasi taagnaan doonto ilaa 24-ta bisha February 2016-ka.

Sarkaal ka tirsan waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in aanay jirin sabab si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo muwaadhiniinta dalkaasi.

Go'aankan ka soo baxay dalkaasi, ayaa imaanay xilli dalka Belgium uu weli ku jira xaalad deg deg ah oo laga cabsi qabo weerarro la mid ah kuwii ka dhacay Paris.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM