​Maraykanka: Trump iyo Clinton oo guulaystay

Image

Murashaxiinta xisbiyadda Jamchuuriga iyo Dimuqraadiga ee kala ah; Donald Trump iyo Hillary Clinton ayaa ku guulaystay codadka gobollada ugu badan ee laga dhiibtay codadynta doorashada madaxtinimada waddankaasi.

Clinton, oo tartanka ku garaacday ninka isku xisbiga yihiin ee Bernie Sanders, waxayna codadkii laga dhiibtay gobollada; Tennessee, Alabama, Georgia, Arkansas, Virginia, Texas iyo Massachusetts.

Sanders ayaa isna helay gobollada Vermont, Oklahoma, Minnesota, iyo Colorado.

Dhinaca xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa guulo kala hoyday gobollada Arkansas, Georgia, Alabama, Tennessee, Virginia, Vermont iyo Massachusetts, halka ninka la tartamayay ee Senator Ted Cruz ayaa helay codadka gobolka laga soo doorto ee Texas, Oklahoma iyo Alaska.

Isagoo ka hadlaya gurigiisa oo ku yaala Texas, Mr Cruz waxa uu sheegay inay tartanka ka baxaan musharaxyada kale ee Republiga, oo ay ku soo biiraan isaga si loola tartamo Donald Trump.

Senator-ka laga soo doorto gobolka Florida, Marco Rubio, oo galay kaalinta saddexaad ayaa ku guulaystay hal gobol (Minnesota).

Doorashadan “Super Tuesday” oo dhacday shalay ayaa loogu soo baxayaa madaxtinada waddankaasi, waxaana ku loollamay murashaxiin kasocda xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Riyaalka Iran oo Qiimo-dhac Taariikhi ah Wajahaya, $1 oo Dhaafay 2 Milyan oo Riyaal

Riyaalka ayaa Isniintii ku dhacay qiyaastii 2.02 milyan oo Riyaal halkii doollar, sida lagu sheegay xogta suuqa lacagaha aan rasmiga ahayn.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 01:02PM

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM