Mareykanka oo dharbaaxadii ugu horeysay ku dhuftay Taliban

Image
Maamulka Biden ayaa xanibay kaydadka dowladda Afgaanistaan ​​ee ku jiray akoonnada bangiyada Mareykanka.

WASHINGTON, USA - Maamulka Biden ayaa xanibay kaydadka dowladda Afgaanistaan ​​ee ku jiray akoonnada bangiyada Mareykanka Axaddii kana horjoogsaday Taalibaan inay helaan lacagtaas oo ah balaayiin doollar.

Laba qof oo si dhow ula socda arrintan una waramay The Washington Post ayaa xaqiijiyey xayiraadda waxaana ay sabab uga dhigeen "in wali uusan caddeyn nooca dowlad ama nidaam ee Talibaan ku fekereyso".

Washington ayaa sidoo kale waxay u badan tahay in ay wajahdo xulashooyin adag oo ku saabsan sida loo maareynayo cunaqabateynta dhinaca dhaqaalaha ee ay horey ugu soo rogtay falaagadda.

Haddii ay sii jirto xayiraadda, waxaa laga cabsi qabaa in ay adkeyso in gargaar bani'aadamnimo oo caalami ah la gaarsiiyo dadka Afgaanistaan oo la fahansan yahay in ay maalintii ku nool yihiin wax ka yar $2 doolar.

Keydka dowladii hore ee Afqaanistaan ​​waxaa lagu qiyaasay $9.4 bilyan dhammaadkii Abriil, sida ay sheegtay IMF. Inta badan kaydkaas waxay taalaa meel ka baxsan Afgaanistaan, sida ay ilo wareedyo u sheegeen AFP.

Dowladda Mareykanka ayaa horay u qabatay kaydka dalal aysan dowladdooda aqoonsanayn, sida Venezuela oo ay dib ugu fasaxdey markii ay aqoonsi ku meelgaar ah siisay hogaamiyaha mucaaradka.

Dhaqdhaqaaqa deg degga ah ee Taalibaan ay kula wareegeen Afgaanistaan ​​markii ay ka baxeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulafada la ah ayaa beesha caalamka sidda muuqaneysa wuxuu ka dhigayaa dibad-joog.

Isniintii, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Dominic Raab ayaa sheegay in UK ay ka fikireyso inay cunaqabateyn ku soo rogto Taliban. Mr Raab wuxuu xusay in ay adeegsanayaan hab kasta si ay u cadaadiyaan kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM