Mareykanka oo dhimaya qaxootiga Africa iyo Bariga Dhexe

Image

WASHINGTONG - Wasaaarada arrimaha dibada Mareykanka ayaa soo jeedineysa in ay Mareykanku qaabilaan tiro ka yar qaxootigii la qorsheeyey sanadkii hore in ay ka yimaadaan wadamada Africa iyo Bariga Dhexe.

Mareykanka ayaa doorbidaya inuu kordhiyo qaxootiga ka yimaada dalalka Asia, Yurub, Latin America iyo Caribbean-ka sanadaha soo socda, sida lagu sheegey qoraal wasaarada laga heley.

Afhayeenka wasaarada ayaa ku xaqiijisey email jiritaanka qorshahaas oo markii u horeysey ay baahisey jariidada Politico.

Tiradan ayaan aheyn mid kama danbeys ah, oo la isku raacay balse wasaarada arrimaha dibada ayaa u sheegtey VOA todobaadkii hore in ay wadaan qorshe ay doonayaan in ay wadatashi kala yeelanayaan arrintaas Congress-ka ka hor inta uusan dhamaan sanad howleedka dowlada oo ku eg 30-ka bishan September.

Ka dib wadatashigaas ayaa la filayaa inuu madaxweyne Trump soo saaro baaqa sanadlaha ah ee madaxweynaha kaasoo xaqiijin doona waxa loogu yeero tirada qaxootiga sanadka soo socda loo ogolaan doono Mareykanka.

Isbedelka lagu sameeyey goobaha ay qaxootigu ka yimaadaan ayaa ka mid aheyd soo jeedin la doonayey in lagu dhimo tirada qaxootiga Mareykanka la dejinaayo sanadka 2019-ka oo ah 30,000. Tiradan ayaa ah tii ugu yareyd qaxooti dalkan yimaada sanad taariikhda.

Related Articles

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM

Mike Huckabee: “Haddii Yuhuuddu doonayaan inay dunida qabsadaan, waa inaan furayaasha u dhiibno”

Hadallada ku saabsan “Yuhuudda oo dunida qabsanaysa” ayaa muddo dheer lala xiriiriyay aragtiyo shirqool oo ka dhan ah Yuhuudda.

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 01:20PM