Mareykanka oo faafaahiyay dacwadda FIFA

Image

Waaxda cadaaladda ee dalka Mareykanka waxa ay soo saartay warbixin ku saabsan sida uu u dhacay musuqmaasuqa lagu eedeeyay FIFA iyo sida uu u dhacay, waxayna waaxda sheegtay in arrintan ay tahay sida ay baaritaanka u fulinayaan FBI da Mareykanka.

Waxa ay daabacday qoraal 40 bog ka kooban oo ay ka mid yihiin marqaatiyaasha – waxaana ka muuqday in madixii hore ee fulinta ee FIFA ee u dhashay dalka Mareykanka uu lagu eedeynaayo 10 dembi oo ka mid ah lacag isdabamarin, lacago six un lagu kasbado, iyo canshuur kacararid.

Waxaa qoraalkan sidoo kale ku cad inuu sheegay ninkan in asiga iyo madaxda kale ay laaluush qaateen intuu socday loolankii ay South Afrika ku soo baxday ee marti gelinta ciyaarihii 2010kii.

Faafaahinta ayaa soo bexeysa maalin kaddib markii madaxweynihii xiriirka kubadda cagta ee FIFA Sepp Blatter uu ku dhawaaqay inuu is casilaayo.

Laakiin xog hayaha guud ee FIFA, Jerome Valcke ayaa tilmaamay inuu dembi uusan galin uusanna ku lug lahayn qaadashada in kabadan 10 milyan oo dollar oo la sheegayo inay lunsadeen xubnaha FIFA, taas oo ah midda ay mareykanka Baarayaan.

Mr Valcke ayaa u sheegay Info Radio ee dalka faransiiska, in asiga uusan marna ka qeybgalin musuqmaasuqa, uusanna u arkin inuu asigana iscasilo.

"Ugu horeyn, majirto sabab aan u dhaho, masii ahaanaayo xoghayaha guud, iyadoo laga tixraacayo wixii dhacayay maalmihii lasoo dhaafay”, ayuu yiri Mr Valcke.

Waxa uu sidoo kale qiray inaysan “masuuliyad igama saarno, mana jiraan wax aan isku eedeeyo, mana dareemaayi inaan dembi galay, mana u qiildeyaayo sida aan eedlaawe u ahay”.

Dacwad oogayaasha Mareykanka waxa ay tilmaamayaan inay baarayaan isku xirnaanta arrintan, iyagoo ka shakinaaya in laaluush la bixiyay xilligii ay socotay codeyntii ciyaarihii 2010kii ee South Afrika ay qabatay.

FIFA waxa ay sheegeysaa in lacagtaasi ay South Afrika ku caawisay ciyaaraha Caribbeanka.

BBC

Related Articles

Putin oo La Kulmay Hogaamiyeyaasha Falastiin, Zimbabwe iyo Burkina Faso

Heshiiska xabbad-joojinta ee Ukraine ayaa la doonayaa in uu joojiyo dagaalka ka soconaya bariga Ukraine tan iyo Febraayo 2022.

  • Caalamka

    11-05-2025

  • 10:28AM

Putin: Diyaar baan u ahay wadahadal toos ah oo shuruud la'aan ah inaan Ukraine la galo

Si kastaba, Putin ma uusan si toos ah uga jawaabin soo jeedinta xabbad-joojinta ee ugu dambeysay ee Sabtida.

  • Caalamka

    11-05-2025

  • 08:01AM