Mareykanka oo sheegay in Iran xiriir la leedahay Al-Qaacida

Image

WASHINGTON, US - Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa Talaadadii wuxuu sheegay in Al-Qaacida ay saldhig cusub ka sameysatay gudaha waddanka Iiraan, wallow uusan bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadiisa.

Pompeo oo ka hadlay magaaladda caasimadda ah ee Washington ayaa sheegay in hogaanka Al-Qaacida - si gaar ah amiirkooda Ayman Al-Zawahiri iyo ku xigeenadiisa - ay u wareegeen Iiraan.

Xukuumadda Tehran oo si degdeg ah uga falcelisay sheegashadaas ayaa ganafka ku dhufatay eedeymahaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Mohammad Javad Zarif oo qoraal cambaareyn ku faafiyey bartiisa gaarka ah ee Twitter, ayaa ku eedeeyay Pompeo "dhiiragelinta been-abuur".

Hadalka Pompeo ayaa kusoo aadaya wax kayar sideed maalmood kahor inta uusan madaxweyne Donald Trump xilka si rasmi ah uga degin.

Maamulka Donald Trump ayaa siyaasad adag kula macaamilay hogaanka Iiraan, taas oo xiisadda labada waddan gaarsiisay meel sarre isla markaana dhalisay in dalalka dibada ee ah wada joogaan isku beegsadaan.

Duqeyn uu amray Trump ayaa sanad kahor waxaa lagu dilay taliyihii ciidamadda sirdoonka dibadda Iiraan, Qaasim Suleymaani, kaasoo la beegsaday xilli uu kasoo degayey garoonka diyaaradaha caasimadda wadddanka Ciraaq ee Baqdaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM