Mareykanka oo weerar dhanka cirka ah ku dilay afhayeenkii Daacish

Image

WASHINGTON, US – Milagariga Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay afhayeenkii Daacish, Abu al-Hassan al-Muhajir, sidda ay baahisay saxaafada maxaliga ah.

Wargeyska afka dheer ee Newsweek ayaa Isniinta maanta ah wuxuu shaaciyey in al-Muhajir lagu khaarijiyey howlgal qorsheysan oo wada jir ah.

Warbixinta oo laga soo xigtay illo wareedyo macquul ah ayaa waxay imaaneysaa maalin kadib dhimashada hogaamiyahii ISIL, Abuubabar Al-Baqdaadi.

Taliska Ciidamada Dimoqraadiga ee Suuriya ayaa Axadii waxay baahiyeen akhbaarta ku saabsan khaarjinta Abu al-Hassan al-Muhajir.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, gulufka lagu dilay Al-Xasan ayaa ka dhacay xaafadda Ayn al-Bayda gaar ahaan meel ku dhow magaalada Jarablus.

Muhajir ayaa afhayeenka ISIS waxaa loo magacaabay 2016-kii ka gedaal markii ninka uu bedelay Abu Mohammad al-Adnani, lagu dilay magaaladda Xalab.

Abu al-Hassan ayaa la rumeysan yahay in ahaa gacanta midig ee Abuubabar Al-Baqdaadi oo Axadii ku geeriyooday magaaladda Idlib.

Sidda laga soo xigtay Donald Trump, Amiirkii kooxda la magac-baxday dowladda Islaamka, ayaa isu-qarxiyey god dhulkiisa ah markii ciidamada hareeyeen.

Muhajir ayaa muuqaalkiisu aad ugu yaraa fagaareyaasha. Balse, dadka qaarkii waxay aaminsan yihiin in uu ahaa nin ajaaniib ah wallow aan la shaacin Jinsiyadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM