Mareykanka oo weerar ku dilay 40 Daacish ka tirsanaa

Image

TRIPOLI— Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa maanta weeraray xero tababar oo ku taalla galbeedka Libya, kuna dhow xuduudda Suuriya, ayaga oo dilay bartilmaameed muhiim ah iyo tobaneeyo qof oo loo qoray argagixisanimo.

Saraakiil difaac oo ku sugan magaalada Washington ayaa sheegay in duqeynta ay u badan tahay in lagu dilay xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish oo lagu magacaabo Noureddine Chouchane, kaasi oo lala xiriirinayo laba weerar oo argagixiso oo sanaddii tagtay ka dhacay dalka Tunisia.

Weerarka Mareykanka ayaa waxaa loola dan lahaa xero ku taalla magaalada Sabratha oo 75 KM u jirta galbeedka Tripoli. Dadka deegaanka ayaa sheegay in illaa afartan qof lagu dilay weerarka.

Dadka la dilay badankood ayaa la rumeysan yihiin inay yihiin dagaalyahanno cusub oo kooxda Daacish kusoo biiray, sida laga soo xigtay saraakiil Mareykan ah.

VOA

Related Articles

Riyaalka Iran oo Qiimo-dhac Taariikhi ah Wajahaya, $1 oo Dhaafay 2 Milyan oo Riyaal

Riyaalka ayaa Isniintii ku dhacay qiyaastii 2.02 milyan oo Riyaal halkii doollar, sida lagu sheegay xogta suuqa lacagaha aan rasmiga ahayn.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 01:02PM

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM