Mareykanka oo Muwaadiniintiisa uga digay inay u safraan Puntland

Image

WASHINGTON, USA - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa soo saarey digniin cusub oo dhanka Safarka dalka Soomaaliya, sababo la xiriira xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan argagaxsada, falal dembiyeedka iyo burcad-badeeda.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in guud ahaan geyiga Soomaaliya, oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland, ay ku baahsan yihiin afduubka, dilalka iyo Jidgooyooyinka sharci darrada ah.

Dowladda Mareykanka ayaa hoosta ka xariiqday in Soomaaliya ay ka jiraan Iskuullo lagu tilmaamay kuwa dadka lagu dhaqan-celiyo, oo aan heysan ruqsaddo shaqo iyo cid kormeerta waxay qabanayaan, iyadoo dadka maamula aan la aqoon fekerkooda.

“Kooxaha Argagaxisada ahi waxay sii wadaa inay qaadaan qaraxyada ay ka geystaan Soomaaliya, iyaga oo beegsada garoomada diyaaradaha, dekadaha, dhismayaasha dowlada iyo goobaha ay dadka ku kulmaan,” ayaa lagu yiro War-saxaafadeedka.

Soomaaliya waxaa ku yaalla goobo badan oo la sheego inay yihiin kuwa dadka lagu dhaqan-celiyo, waxaana la geeyaan dhalinyarada "dhaqan door-soomay" kuwaasi oo laga keeno dalka dibadiisa.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka uu Mareykanku soo saarey, xarumahaani waxay shaqeeyaan iyaga oo aanan ka haysan dowlad ruqsad, waxaana ka dhaca tacadiyo ka dhan ah Aadanaha.

Burcad-badeeda ayaa dhaqdhaqaaq ka sameysa guud ahaan Biyaha gobolka Geeska Afrika gaar ahaan biyaha caalamiga ah ee ku dhow Soomaaliya, sidda ku cad qoraalka Mareykanka.

“[Sidaasi darteeda] dowlada Mareykanka waxay xadiday inay muwaadiniinteeda siiso adeega ay ku tagaan Soomaaliya, sababta oo ah iyada oo aanan ku lahayn gudaha dalka Qunsulyad joogta ah,” ayaa lagu yiri warka.

Ugu dambeyntii, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in sababaha kale oo ay Muwaadiniinteeda uga digtay inay Soomaaliya soo wadaan waxay ku sheegtay khataro ka jira hawada dalkaan geeska Afrika ku yaala.

Digniintan dhinaca safarka ayaa kusoo beegmaysa xilli lagu wado in Puntland ay ka dhacdo doorashada xilka Madaxweynaha 8-da January ee sanadkan cusub 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM