Markab ay Iran leedahay oo lagu weeraray meel ku dhow Sacuudiga

Image
Image
Image
Image

TEHRAN, Iran – Markab nooca Shidaalka qaada oo ay Iiraan leedahay ayaa Jimcadda maanta ah waxaa lagu beegsaday meel ku dhow biyaha Sacuudiga. Laba sawaaqiir ayaa la rumeysan yahay in lagu ekeeyay.

Shirkadda iska leh markabka SABITI ayaa waxay bayaan ku xustay in lagu bartilmaameedsaday meel marsadda Jidda u jirta 60 Mile.

Waxyeelo ayaa soo gaarey markabka iyo shidaalka uu ku safrinayey Badda Cas. Balse sida ay sheegeen mas'uuliyiinta qubashada Saliida ayaa waxaa lagu guuleystay in si degdeg ah la joojiyo.

Wakaaladda wararka Iiran ayaa falanqeeyeyaal waxay kasoo xigatay in falkan uu yahay "weerar argagixiso", wallow aysan cidna eedeyn.

Howlwadeenada markabka oo badankooda ahaa Iiraaniyiin ayaa ka badbaaday markabka oo xaaladiisu ay xasiloon tahay haatan.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa tibaaxay in ay durba baaritaan ku bilaabeen duulaanka iyo cida ka dambeysay.

Dhacdadan ayaa imaaneysa iyadda oo aad loogu rajo weynaa in wada hadalo u dhaxeeya Sacuudiga iyo Iiraan ay bilowdan, kuwaasi oo lagu qaboojinayo xiisadda labadda dowladood u dhaxeysa.

Iiraan ayaa horey loogu eedeeyay in ay beegsatay maraakiib isaga kala goosheysay Badda Xurmus. Eedeymahaas oo ay iska ogeysay Tehran ayaa nan biyo qabow ku shubin weerarada ka dhanka ah maraakiibta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo Masar u diiday inay ku biirto isbahaysiga difaaca ee cusub

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Riyadh ayaa sii kordhaysa niyad-jab ay ka qabto dowladda Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi.

  • Caalamka

    14-08-2026

  • 07:42AM

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM