Markab ay leedahay Israa’iil oo lagu qarxiyey Bariga Dhexe

Image

TEL AVIV, Israel – Qarax ayaa haleelay markab xamuul oo ay leedahay dowladda Israa’iil kaasoo ka shiraacday Bariga Dhexe maanta oo Jimce ah. Dhacdadan aan la fahmin ayaa cusboonaysiinaysa walaaca ku saabsan amniga maraakiibta iyadoo ay sii kordhayso xiisadaha u dhexeeya Maraykanka iyo Iran.

Shaqaalaha iyo markabka waa kuwo badqaba, sidda laga soo xigtay Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska, oo ay maamulaan ciidamada badda UK. Qaraxa ayaa markabka ku qasbay inuu u jiheysto dekedda ugu dhow.

Goobta qaraxu ka dhacay, Gacanka Cumaan, waxaa ka dhacay qaraxyo isdaba-joog ah sannadka 2019-ka. Ciidamada Badda Mareykanka waxay dhacdooyinkaas ku eedeeyeen Iiraan oo khilaafka kala dhaxeeya Washington uu xoogeystay intii uu xafiiska joogay maamulkii madaxwane Donald Trump.

Tehran ayaa beenisay eedeymaha oo yimid kadib markii Trump uu ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee Iiraan sanadkii 2015 ay la gashay quwadaha adduunka isla markaana uu dib ugu soo celiyey cunaqabateyn adag dalka.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo maamulka Joe Biden uu doonayo inuu dib ula falgalo Iran, Tehran waxay kordhisay baalmaridda heshiiskii nukliyeerka si ay Washington in ay deg-deg ugu soo laabato heshiiskaas.

Heshiiska wuxuu xeerinayaa in Tehran ay la xadido bacmarinta uranium-ka, iyada oo loogu badalayo in laga qaado cunaqabateynta dhulka la gashay dhaqaalaha waddankaas.

Qarixii Jimcihii ayaa dib loo soo xusuusiyay xagaagii 2019, markii millatariga Mareykanka ay Iiraan ku eedeeyeen weerarro looga shakisan yahay in lagu qaaday laba markab oo shidaal oo u dhow marinka Hormuz, oo ah mid ka mid ah marinnada istiraatiijiyadeed ee ugu muhiimsan guud ahaan caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM