​Masar iyo Sacuudiga oo hishiis maalgashi gaaray

Image

QAHIRA- Sida uu cadeeyay boqor Salmaan-ka dalka Sacuudiga, waxaa dhacay hishiis taariikhi ah oo dhexmaray dowladda Masar iyo xukuumadda Riyat kadib kulamo ka dhacay magalada Qahira kuwasi oo looga hadlay xiriir dhexmara labada dhinac.

Salmaan, ayaa warbaahinta u sheegay inay ku hishiiyeen dhismaha buundo dulmarta Badda Caas taasi oo isku xirta Qaaradaha Afrika iyo Aasiya, waxaana danta laga leeyahay ku sheegay in la xoojiyo xiriirka ganacsi ee ka dhacay labada qaaradooda.

Arrintan ayaa boqorku ka cadeeyay telefishin dalkaasi ku yaalla maalintii Jimcaha.

"Waxaan ku hishiinay walaalkay mudane Madaxweyne  Abdel Fattah el-Sisi, inaan dhisno buundo isku xirta laba waddan," Ayuu yiri Salman.

"Waa hishiis taariikhi ah maadama la isku xirayo qaaradaha Afrika iyo Aasiya, wuxuuna kor u qaadayaa ganacsiga ka dhaxeeya labada qaaradooda kaaso hadda maray meel wanaagsan," Ayuu yiri boqorka Sacuudiga.

Ma uusan caddayn halka buundada laga dhisayo, balse warar ayaa sheegaya in dhismaha laga bilaabi doono Nabq,  oo ku talla Waqooyiga Sharm el-Sheikh iyo Ras Alsheikh Hamid oo katirsan boqortooyada Sacuudiga.

Madaxweynaha dalka Masar el-Sisi ayaa ka mahadceliyay maalgashiga waddankiisa ka samaynayso boqortooyada Sacudiga.

Boqorka dalka Sacuudiga ayaa booqasho dhan shan bari ku jooga magalada Qahir, waxaana kulamo kala duwan la qaatay hogaamiyaasha waddankaa isagoo la filayo inuu khudbad u jeediyo Barlamanka dalka Masar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM