Maxaa sababay in Joe Biden ku dhawaaqo kalmada "Insha Allah"?

Image

LONDON, UK - Waxaa baraha bulshada si weyn looga hadal hayaa erey kasoo baxay musharraxa madaxtinnimada doorashada ee xisbiga dimuqraadiga ee Mareykanka Joe Biden xilli uu ka qeybgalayay dood kulul oo u dhexeysay isaga iyo ninka uu loolanka adag ka dhex taagan yihiin ee madaxweyne Donald Trump.

Joe Biden ayaa yiri 'Inshaa Allah' kaddib markii Trump uu ku yiri , 'Waxaad arki doontaa qaabka aan canshuurta u celiyay'

Markii Trump oo wax laga weydiyay arrimaha canshur celinta wuxuu ku andacooday in canshuurta uu bixiyay ay malaayiin gaareyso sanadihii lasoo dhaafay.

Dhawaan ayay aheyd markii wargeyska New York Times uu sheegay in madaxwayne Donald Trump uu bixiyay oo kaliya ah $750 oo ah canshuurta dakhliga sanaddii 2016-kii, oo ahaa markii uu xilka u tartamay iyo sanadkii ugu horeeyay ee aqalka cad uu yimid.

Wargeyska oo sheegay in ay heleen macluumaadka iyo diiwaanka canshuurihii uu bixiyay Mr Trump iyo shirkadihiisa 20 sano ee ugu dambeeyay ayaa waxaa ku andacooday in canshuurta dakhliga uusan bixin 10 sano oo ka mid ah shan iyo tobonkaasi sano.

Macluumadkan uu daabacay wargeyska New York Times ayaa shaaca ka qaadaya in "muddo sanado ah uu madaxwayanha ka maaganayay bixinta canshuurta",.

Mr Trump ayaa warbixinta uu qoray wargeyska ku tilmaamay "warar been abuur ah".

"xaqiiqadii waan bixiyay canshuurta waadna arki doontaan marka aan canshuur celinta sameeyo," ayuu u sheegay warbaahinta.

BBC

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM