Maxkamad lagu cambaareeyay aragti ay kasoo saartey xirashada Xijaabka

Image

BRUSSELS, Belgium – Maxkamad ku taala caasimadda Belgium-ka ee Brussels ayaa xeer-beegtadda sarre ee dalkaas u gudbisay aragti ah in la mamnuuco in Xijaabka lagu xirto Koleejyada.

Garsooreyaasha gudbiyey oraahdaas ayaa cuskanaya qodobo dastuuri ah, balse waxay la kulmeen dhaleeceymo aad u xoogan oo kaga yimid qaybo kamid ah bulshadda qarankaas ku nool.

Ururka ka hortagga Islaam-naceybka ee Belgium-ka kaas oo magaciisa loosoo gaabiyo CCIB ayaa kamid ah dhinacyadda cambaareeyay kuna tilmaamay oraahdaas in ay tahay "takoor".

Agaasimaha CCIB, Mustafa Chairi, ayaa sheegay in fekerkaas uu kasoo horjeedo xuquuqda aasi-aasiga ah ee bini'aamka isla markaana uu yahay mid lagu bartilmaameedsanayo shucuub.

"Aragtidaas sidoo kale waxay faquuq ku tahay dumarka, waxayna sababi kartaa in Muslimiinta lagu cunsuriyadeeyo nidaamka waxbarashadda," ayuu raaciyey isagoo u waramay Anadolu Agency.

Belgium-ka ayaa kamid ah wadamadda caalamka gaar ahaan qaaradda Yurub ee xilliyadda qaar lagu dhibaateeyo dadka Muslimiinta ah.

Islaam naceybka ayaa sanadihii lasoo dhaafay kusoo badanayey caalamka, waxaana Qaramadda Midoobay ay ka digtay in uu sii socdo, iyaddoo tibaaxdey in ay ka dhalan karto kala qeyb-sanaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM