Maxkamad lagu cambaareeyay aragti ay kasoo saartey xirashada Xijaabka

Image

BRUSSELS, Belgium – Maxkamad ku taala caasimadda Belgium-ka ee Brussels ayaa xeer-beegtadda sarre ee dalkaas u gudbisay aragti ah in la mamnuuco in Xijaabka lagu xirto Koleejyada.

Garsooreyaasha gudbiyey oraahdaas ayaa cuskanaya qodobo dastuuri ah, balse waxay la kulmeen dhaleeceymo aad u xoogan oo kaga yimid qaybo kamid ah bulshadda qarankaas ku nool.

Ururka ka hortagga Islaam-naceybka ee Belgium-ka kaas oo magaciisa loosoo gaabiyo CCIB ayaa kamid ah dhinacyadda cambaareeyay kuna tilmaamay oraahdaas in ay tahay "takoor".

Agaasimaha CCIB, Mustafa Chairi, ayaa sheegay in fekerkaas uu kasoo horjeedo xuquuqda aasi-aasiga ah ee bini'aamka isla markaana uu yahay mid lagu bartilmaameedsanayo shucuub.

"Aragtidaas sidoo kale waxay faquuq ku tahay dumarka, waxayna sababi kartaa in Muslimiinta lagu cunsuriyadeeyo nidaamka waxbarashadda," ayuu raaciyey isagoo u waramay Anadolu Agency.

Belgium-ka ayaa kamid ah wadamadda caalamka gaar ahaan qaaradda Yurub ee xilliyadda qaar lagu dhibaateeyo dadka Muslimiinta ah.

Islaam naceybka ayaa sanadihii lasoo dhaafay kusoo badanayey caalamka, waxaana Qaramadda Midoobay ay ka digtay in uu sii socdo, iyaddoo tibaaxdey in ay ka dhalan karto kala qeyb-sanaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM