Maxkamad xukun ku riday walaalka ka yar madaxweynaha Iran

Image

TEHRAN, Iran – Maxkamad ku taalla Iran ayaa xukun sanado xabsi oo aan ka yaashin ku riday walaalka ka yar madaxweynaha dalkaasi, Xasan Ruuxaani.

Hossein Fereydoun, oo kalsooni badan uu ku qabay madaxweynaha, ayaa waxaa nan warbaahinta loosoo bandhigin eedeymaha lagu soo oogay.

"[Shaqsigaan [Hossein Fereydoun] waxaa lagu waayey dambiyada qaar, balse kuwa kale ee lagu helay ayaa lagu xukumay," ayuu yiri garsoore.

Maxkamadeynta Fereydoun oo ay wehliyaan lix eedeysanayaal ah, ayaa soo bilaabatay maalintii Jimcaha, iyada fahfaahinta waxa lagu haysto aan la shaacin.

Fereydoun oo wacad ku maray in uu Racfaan ka qaadan doono xukunka ku dhacay ayaa ku tilmaamay mid ay gadaal ka riixeyso arrimo siyaasadeed.

Balse maxkamada oo garabka ku dhufatay in go’aankeeda uu siyaasadeysan yahay ayaa waxay iska fogeysay farogelin uga yimid dhinaca Laanta Fulinta.

Xukunsane, Fereydoun, oo sanadkii 2017-kii lagu soo oogay dacwad la xiriirka Dhaqaalaha ayaa waxa uu xiligaasi sheegay in uusan wax khalad ahayn sameyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM