​Maxkamadda ICC oo baaraysa tacadiyadda dalka Burundi

Image

Maxkamada Caalamiga ICC ee fadhigeedu tahay magaalada The Hague ee dalka Holland, ayaa sheegtay inay baarayso tacadiyada ka dhacay dalkaasi kadib doorashadii uu ku guulaystay madaxweyne Pierre Nkurunziza.

ICC, ayaa tilmaamay in dalkaasi ka dhaceen tacadiyo isugu jira; dil, dhac, kufsi iyo xarig sharci darro ah, waxayna intaasi raacisay in sharci la horkeeni doono cid kasta oo falkaasi ku lug yeelata.

Madaxweyne Nkurunziza,ayaa laga cabsi qabaa inuu arrimahaasi ku lug yeesho, waxaana lagu eedaynayaaa inuu ku xad gudbay dasturka dalkaasi islamarkaana uu doorashadii dhacday ku shubtay.

Mucaaradka Burundi, ayaa kasoo horjeestay natiijadii kasoo baxday doorashadii dalkaasi ka dhacday, waxaana xilligaasi ka dib bilowday qalalaasooyin u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo shacabka waddankaasi.

Dhawaan Maxkamadan, ayaa dambiyo ku weyday madaxda dalka Kenya kuwaasi oo lagu eedeeyay dhibaatooyin dhacay xilligii doorashada dalkaasi 2007.

GAROWEONLINE

Related Articles

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM