May oo noqonaysa ra'iisal-wasaaraha UK

Image

May ayaa noqonaysa ra'iisal-wasaaraha cusub ee BritainWasiirada arrimaha gudaha ee Britain Theresa May, ayaa la xaqiijin doonaa inay noqoto hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka iyo ra'iisal-wasaaraha Britain.

Andrea Leadsom oo ahayd qofka kaliya ee la tartamaysa ayaa ka baxday tartanka, iyadoo sheegtay in ay danta Britain ku jirto in hogaamiye la doorto goor dhow, si loo bilaabo ka bixida Midowga Yurub. 

Xisbiga Conservative-ka ayaa tashanaya si ay ugu dhawaaqaan Theresa May inay noqonayso ra'iisal-wasaarihii labaad ee Britain oo dumar ah.

BBC

Related Articles

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM