Mdaxweynaha South Korea oo ku wajahan Pyongyang

Image

SEOUL - Madaxwayne dalka Kuuriyada Koonfurta Moon Jae-in, ayaa xaqiijiyay in hogaamiyayaasha sarsare ee ganacsiga ay raaci doonaan marka uu kulanka la yeelanayo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Kulankan ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo toddobaadka soo socda uu qabsoom. Waa kulankii sadaxaad ee ay yeelanayaan madaxda labada Kuuriya iyada oo kulankii ugu horreeyay uu ka dhacay xadka labada dal.

Markii ugu horreysay waxa uu kulankani ka dhici doonaa caasimada Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang .

Tobonnaan kun oo qof ayaa lagu wadaa in wadooyiinka ay isugu soo baxaan si ay u soo dhaweeyaan madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed.
Saraakiil ka socota dowladda Kuuriyada Koonfureed ,shaqaale dhanka farsamda ah iyo wariyayaal ayaa lagu wadaa in ay maanta sii tagaan Pyongyang.

Mr Moon ayaa doonaya in Kuuriyada Waqooyi uu ku dhiirigaliyo in ay isaga talabaxdo barnaamijkeeda Niyukleerka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa haddii ay faraha kala baxdo barnaamijkeeda Niyukleerka ay heli doontaan kaalmo dhaqaale sida ay Mareykanka iyo kuuriyada Koonfureed ballanqaadeen.

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM