Meydka nin diyaarad ku dhuuntay oo laga heley London

Image

Booliska Britain ayaa baaraya dhimashada nin loo maleynayo inuu ka soo dhacay diyaarad oo meydkiisa laga helay saqafka sare dukaan ku yaal galbeedka London.

Waxaa loo maleynayaa inuu isku qariyay lugta hoosteeda duulimaad ka yimid Johannesburge, kuna socday garoonka diyaaradaha Heathrow.

Bishii september ee sanadkii 2012-kii ayuu nin u dhashay Angola (jose Matada) dhintay, markii uu ka soo dhacay diyaarad ka timid Luanda oo Heathrow ku socotay, isagoo ku dhacay waddo ku taal galbeedka London.

Baaris ayaa lagu dhageystay inay suurgal tahay inuu ku badbaaday heerka cimilada ee ka hooseeysay lix duulimaadkii 12ka saacadood ahaa, balse ay suurgal tahay inuu dhintay ka hor intuusan dhulka ku dhicin.

XIGASHO:BBC

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM