Mid kamid ah diyaaradaha dagaalka Morocco oo lagu waayey hawada Yemen

Image

May 11, 2015 (GO)- Militeriga dalka Morocco ayaa shaaciyey in mid kamid ah diyaaradahooda dagaalka lagu la'yahay dalka Yemen.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaan-dhigga Morocco ayaa lagu sheegay in diyaaraddaas oo nooceedu ahaa F-16 ay raadaarka ka baxdey gelinkii dambe ee shalay oo Axad ahayd.

"mid kamid ah diyaaradaheena dagaalka oo nooceedu ahaa F-16 ayaa ilaa shalay lagu la'yahay hawada dalka Yemen, laga soo bilaabo 6:00pm, " sidaas waxaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaan-dhigga Morocco.

Sucuudiga iyo xulafadiisa ayaa March 26, 2015 bilaabay duqeymaha ka dhanka ah mileeshiyaadka Xuuthiga iyo ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabddallah Saalax.

Waa markii ugu horreysey ee hawada dalka Yemen lagu waayo diyaarad qayb ka ahayd kuwa ay adeegsanayaan dalalka ku bahoobey hawlgalka loogu magac daray Duufaantii Go'aanka adkeyd.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli ay socoto xabad joojin ku muddeysan shan maalmood taasoo u dhexeysa xoogagga Xuuthiga iyo xulafada Sucuudiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

RW Pakistan: Guul Taariikhi ah baan ka gaarnay dagaalka India

Dowladda India ay si adag ugu eedeysay Pakistan inay jebisay heshiisyadii hore ee xabbad-joojinta.

  • Caalamka

    10-05-2025

  • 09:39PM

Putin oo La Kulmay Al-Siisi oo ka qeybgalay Xuska Guusha Dagaalkii 2aad ee Adduunka

Dhanka kale, kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Brazil, Lula da Silva, Putin ayaa uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid Ruushka.

  • Caalamka

    10-05-2025

  • 03:46PM