​Mintidiin lagu dilay Tunisia

Image

Ku dhawaan 10 mintidiin islaami ah ayaa lagu dilay dalka Tunisia kadib markii ay weerareen saldhiga Boliis oo ku xadka waddankaasi la wadaago Liibiya sida ay xaqiijiyeen ciidamada ammaanka dalkaas.

Warbixino hordhac ah ayaa sheegaya in dad rayad ah ay ku dhinteen weerarka.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in labada dhinac isweydaarsadeen rasaas xooggan, kadib markii mallayshiyaadku so weerareen saldhiga oo ku yaalla  magaalada Ben Guerdan.

Ciidamada ayaa feejignaa xuduudda agteeda, kadib loo xaqiijiyay in mintidiin ka soo gudbayeen Libya tan iyo intuu Maraykanka weeraray xero ku taal dalkaas oo lagu tababaro kooxaha mayalka adag.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM