Miyuu Donald Trump la maseyri doonaa kulanka Kim iyo Putin?

Image

MOSCOW, Russia – Madaxweynaha Ruushka ayaa ka degay magaalada Vladivostok, halkaasi oo uu kula kulmayo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Kulanka Vladimir Putin iyo Kim Jong-un oo maanta qabsoomaya ayaa diirada lagu saarayaa xiriirka diblumaasiyada iyo barnaamijka Nuk-liyeerka.

Putin ayaa noqon doona hogaamiyihii lixaad ee la kulma Kim tan iyo markii uu xafiiska la wareegay sanadkii 2011-kii.

Si lamida ah waxa uu noqon doonaa kulankii ugu horeeyay oo ay yeeshaan labada hogaamiye oo wadamadooda cilaaqaad taariikh ah uu ka dhaxeeyo.

Kim ayaa ka degay magaalada ay ku balansan yihiin Putin Arbacadii, isaga oo ku tegay tareen gaashaaman oo aysan xabad karin.

Shirkaan ayaa kusoo beegmaya xili uu fashil kusoo dhamaaday is-aragii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Mareykanka iyo Kim.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasada ayaa rumeysan in kulanka Kim uu siinayo Putin awood dheeraad ah oo kula gor-gortami karo Mareykanka.

Andrey Kortunov, oo ka tirsan machadka siyaasada caalamka ee Ruushka ayaa rumeysan in Trump uu sidoo kale kulankaan ka qaadi doono hinaaso [maseyr].

Balse dadka la dhacsan siyaasada Trump ayaa sheegaya in madaxweynaha Trump uu u arko shirkaan mid caadi oo aanan sameyn yeelan doonin.

Sikastaba ha ahaatee, indhaha caalamka ayaa kusii jeeda shirkaasi, waxaana aad looga dhowr-sugayaan qodobadda kasoo baxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad diiday codsiga Netanyahu ee hakinta dhagaysiga dacwad musuqmaasuq

Dacwadda koowaad, Netanyahu iyo xaaskiisa Sara ayaa lagu eedeeyay in ay ka heleen taajiriin hanti badan oo lagu qiyaasay $260,000.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 12:32PM

Trump oo Hanjabay inuu Maxkamad la Tagayo The New York Times iyo CNN

Warbaahinta CNN ayaa si buuxda u difaacday shaqaalaheeda, iyagoo sheegay in warbixintoodu ahayd mid sax ah.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 07:32AM