​Muhaajiriin lagu waxyeelleeyay Macedonia

Image

Ku dhawaad 300 oo ruux katirsan muhaajiriinta tagay xadka ay wadaagaan waddamada Macedonia iyo Giriiga, ayaa soo gaartay waxyeello kala duwan siday ku warantay hay'adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF.

Waxyeellada ugu badan ayaa dadkan kasoo gaartay sunta dadka ka ilmaysiisa oo ciidamada Boliisku isticmaaleen waqti ay doonayeen inay kala eryaan kumanaan tahriibayaal doonayay inay xadka ka tallaaban.

Sarkaal ka tirsan MSF ayaa sheegay in 200 oo muhaajiriin ah laga daweeyay dhibaato dhanka naqaska ah, halka 30 kale laga daweeyay dhaawacyo kasoo gaaray rasaasta cinjirka ah.

Boqolaal dhalinyaro ah ayaa dhaqxaan ku tuuray Boliiska iyagoo kadib markii laga hor istaagay inay dumiyaan darbiga la dhisay ee xadka ku yaalla.

Dabeyl halkaasi ka jirtay ayaa sababtay in sunta ay booliska adeegsadeen gaarto xero qaxooti oo ku taalla dhanka Giriiga oo ay ku noolyihiin 11 kun oo qof, kuwaasi oo halkaa ku xayiran tan iyo markii ay dalalka loo yaqaano Balkan ay xireen marinkii muhaajiriinta ugu gudbayeen waqooyiga Yurub.

Maaha markii ugu horaysay ee la baahiyo dhibaatada soo foodsaartay tahriibayaasha ka cararay waddamadooda kuwaas oo raadinaya nolol dhaanta muday ka tageen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM