Munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti oo la qabanayo

Image

JABUUTI- Munaasabad caleemo saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa maanta ka dhaceysa magaalo madaxda dalkaas iyadoo ay goob joog ka noqon doonaan madax ka socota dalalka Afrika.

Xaflada caleemo saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa wararka sheegayaan iney ka duwanaan doonto kuwii hore iyadoo lagu qabanayo halka loo yaqaan guriga Ummada ee Jabuuti.

Caleemo saaradii ka horooyey kan ayaa loogu qaban jirey Hotelka Kimpiski.

Caleemo saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa waxaa kasoo qayb gashey madax badan oo ka tirsan dalalka Afrika iyadoo maalintii shaley soo gaareen magaalo madaxda dalkaas Madaxweynaha Puntland, Somaliland iyo Madaxweynaha dalka Somalia Xasan Shiikh kuwasoo kala hogaaminayey wufuud farabadan.

Saaka waxaa la sugayaa in magaalada Jabuuti ay soo gaarayaan madaxweynayaasha dalka Ruwanda, Kenya iyo Ra'isla wasaaraha dalka Ethiopia.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa laga sugayaa xaflada caleemo saarka kadib inuu ku dhawaaqo golihisa xukuumada kuwasoo la sheegey iney ka duwanaan doonaan xukuumadihii hore. 

Waxaa la filayaa in xubno ka tirsan xukuumada hadda jirta ay waayi doonaan xilalkooda halka kuwa kale la isku badali doono.

Ismaaciil Cumar Geele oo dhowaan kulan la qaatey qaybaha kala duwan ee bulshada kuwasoo dhibaato ka sheegtey xafiisyada dowlada kuwasoo aan bixin adeegii loo baahnaa.

Wadanka Jabuuti ayaa maanta dadweynaha laga fasaxey shaqooyinkooda iyadoo la sahlayo isu socodka shacabka.

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM