Muwaadiniin Ameerikaan ah oo xabsi loogu taxaabay Shiinaha

Image

WASHINGTON, US – Laba ruux oo Ameerikaan ah ayaa waxaa lagu xiray gobolka Jiangsu ee bariga Shiinaha, sidda ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Shaqsiyaadkan ayaa waxaa la tuhunsan yahay laguna soo eedeeyay in qaab sharci darro ah ay dad kale kusoo gelinayeen waddankaas.

Alyssa Petersen, oo ah haweenay, iyo Jacob Harlan, aabaha shan caruur, xabsi loo taxaabay 27-kii illaa iyo 29-kii September ayaa damaanad lagu sii deeyay.

Qunsulyadda Mareykanka ee Shanghai ayaa waxay xaqiijisay in ay ka war-hayso arrintan, isla markaana ay si dhow ula socon doonto xaaladooda.

Petersen iyo Harlan, aas-aasaha xarunta, ayaa waxay dalkaas u joogeen mashruuc macalinimo oo dad lagu baranayo luqadda English-ka uuna fulinayo China Horizons.

Eedeysaneyaasha ayaa waxaa lagu wadaa in loo qabto qareeno si ay isaga difaacaan dacwadda lagu soo oogay.

Taliska Booliska oo laysku dayey in wax laga waydiiyo arrintan ayaa waxa aysan ka jawaabin dalab ay u gudbisay Wakaaladda wararka ee Faransiiska ee AFP.

Xarigga shaqsiyaadkan ayaa kusoo hagaagaya iyadda xiisad diblumaasiyadeed oo ka dhalatay dagaal dhanka ganacsiga ah uu ka dhaxeeyo Mareykanka iyo China.

Shirkadda China Horizons oo fadhigeedu yahay gobolka Idaho ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaadey in ay xiri doonin xafiiska Shiinaha sababo ku aadan xiisada jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM