Muwaadiniin Ameerikaan ah oo xabsi loogu taxaabay Shiinaha

Image

WASHINGTON, US – Laba ruux oo Ameerikaan ah ayaa waxaa lagu xiray gobolka Jiangsu ee bariga Shiinaha, sidda ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Shaqsiyaadkan ayaa waxaa la tuhunsan yahay laguna soo eedeeyay in qaab sharci darro ah ay dad kale kusoo gelinayeen waddankaas.

Alyssa Petersen, oo ah haweenay, iyo Jacob Harlan, aabaha shan caruur, xabsi loo taxaabay 27-kii illaa iyo 29-kii September ayaa damaanad lagu sii deeyay.

Qunsulyadda Mareykanka ee Shanghai ayaa waxay xaqiijisay in ay ka war-hayso arrintan, isla markaana ay si dhow ula socon doonto xaaladooda.

Petersen iyo Harlan, aas-aasaha xarunta, ayaa waxay dalkaas u joogeen mashruuc macalinimo oo dad lagu baranayo luqadda English-ka uuna fulinayo China Horizons.

Eedeysaneyaasha ayaa waxaa lagu wadaa in loo qabto qareeno si ay isaga difaacaan dacwadda lagu soo oogay.

Taliska Booliska oo laysku dayey in wax laga waydiiyo arrintan ayaa waxa aysan ka jawaabin dalab ay u gudbisay Wakaaladda wararka ee Faransiiska ee AFP.

Xarigga shaqsiyaadkan ayaa kusoo hagaagaya iyadda xiisad diblumaasiyadeed oo ka dhalatay dagaal dhanka ganacsiga ah uu ka dhaxeeyo Mareykanka iyo China.

Shirkadda China Horizons oo fadhigeedu yahay gobolka Idaho ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaadey in ay xiri doonin xafiiska Shiinaha sababo ku aadan xiisada jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM