Muxaafidka oo ku guuleystay doorashada UK

Image

Xisbiga Conservative ayaa ku guuleystay aqlabiyad doorashada guud ee ka dhacday dalka UK.

Raiisul Wasaare David Cameron ayaa ku guuleystay shan sano oo kale, iyadoo xisbigiisa uu ku guuleystay kuraas badan oo aan horey loo fileyn.

Mr Cameron ayaa u sheegay qaar ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa Muxaafidka in guushan ay tahay tii ugu wanaagsaneyd ee muddo dheer soo marta.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Labour ayaa lumiyay kuraas badan gaar ahaan Scotland oo ay wada qaateen xisbiga SNP.

Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha UK, David Miliband ayaa is casilay kaddib markii xisbigiisu ku guuleysan waayay doorashada UK.

Waxaa kale oo is casilay hoggaamiyeyaasha xisbiyada Liberal Democrats, Nick Clegg iyo UKIP Nigel Farage.

XIGASHO:BBC

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM