Natiijada doorashada madaxtinimada Afghanistan oo lagu dhawaaqay

Image

KABUL, Afghanistan – Guddiga doorashooyinka Afghanistan ayaa goordhoweyd wuxuu ku dhawaaqay in Ashraf Ghani uu yahay guuleystaha coddeynta madaxtinimada ee dalkaas.

Ashraf Ghani, oo soo noday Wasiirka Maaliyadda, ayaa madaxweynaha waddankaas ah tan iyo bishii September ee sanadkii 2014-kii.

Cod-bixinta ayaa gobolada kala duwan ee waddankaas ka socotay muddo ku dhowaad shan bilood ah, iyaddoo ammaanka sarre loo qaadey.

Sidda ku xusan warbixinta guddiga, Ghani ayaa coddeynta dhacday 28-kii bishii September sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii wuxuu ka helay natiijo gaareysa 50.64 boqolkiiba.

Siyaasiga aad ula olaalamay ee Cabdullaahi Cabdullaahi, kaasoo guuldarada dusha loo saariyey, ayaa helay 39.52 boqolkiiba.

Ku dhawaqista natiijadda oo dib loogu dhigay markii eedeymo la xiriira ku shubasho ay ka yimaadeen Cabdullaahi ayaa dhalisay in dib loo tiriyo.

Ghani iyo Cabdullaahi ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay awooda isku weedaarsaday dowlad midnimo Qaran ah oo uu aas-aasey Mareykanka kadib musuq hareeyay coddeyntii 2014-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM