Nicholas Kay oo Kasoo Horjeestay Mooshinka Barlamanka DF

Image
25 August,2015 (GO)- Wareysi uu siiyey VOA-da, ayaa Nicholas Kay waxa uu ku sheegay in Soomaaliya aysan awoodin in waqti kale ay ku lumiso xiisado siyaasadeed oo hor leh.
 

Kay ayaa waxa uu sheegaya in ayada oo doorasho ay soo socoto, kooxda Al-Shabaab-na ay weli tahay mid fir-fircoon, Soomaaliya aysan waqti u hayn loolanka siyaasadeed ee horey u riday dowlado badan.

Wareysi uu siiyey VOA-da, ayaa Nicholas Kay waxa uu ku sheegay in inkasta oo QM ay ixtiraameyso xuquuqda uu baarlamaan kasta u lee yahay inuu la xisaabtamo hay’adaha dowliga ah, haddana Soomaaliya aysan awoodin in waqti kale ay ku lumiso xiisado siyaasadeed oo hor leh.

“Waxaan sidoo kale garowsanahay in golaha ammaanka ee QM uu aragti cad ku muujiyyey in Soomaaliya ay tahay inay qabato hanaan doorasho sanadda 2016, ma ahan inay waqti kale ku darsato, marka la eegana halka aan fadhiyo, way adag tahay in la arko sida mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha uu u ogolaanayo dhammaan hiigsiyada ay tahay in laga dhabeeyo, sababta oo ah dib u dhaca iyo fowdada sii soconeysa oo taas ay sababi doonto” ayuu yiri Kay.

Murunnada siyaasadeed ee Soomaaliya, oo inta badan lala xiriiriyo loolan dhinaca awoodda ah iyo xifaaltan dhanka qabiilka ah, ayaa horseeday in dhowr madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaareyaa isugu jira ay xilka waayaan, tobankii sano ee tagay.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa ku rajo weyn inay doorashooyin dhacaan sanadda 2016, si ay u doortaan hogaamiyayaal ku yimid dooqooda, hase yeeshee Kay ayaa ku warramaya in taasi ay iminka si ii kordheysa ugu muuqato mid aan suurta gal noqon doonin.

Xiisadaha siyaasadeed ee iminka jira ayaa billowday, markii qaar ka mid ah xildhibaannada ay ugu baaqeen madaxweynaha inuu xilka ka dego, sababo ay ku sheegeena inuu ku guul darreystay inuu wax ka qabto ammaan darrida sii kordheysa ee dalka iyo dilka Al-Shabaab ay u geysatay dhowr xildhibaan oo ka tirsanaa baarlamanka Soomaaliya.

Ergeyga QM, ayaa ugu baaqaya hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya inay sii wadaan ka shaqeynta iyo inay xooga saaraan waxyaabaha muhiimka u ah dalka ee ay dejisteen, sida dib u eegista dastuurka, oo uu sheegay inay muhiim u tahay dhismaha dalka iyo maamul wanaagga.

VOA

 
 

Related Articles

Trump oo lagu eedeeyay inuu booqanayo dalal qoyskiisa dano ganacsi ka leh

Bishii hore, wiilka labaad ee Trump, Eric Trump, ayaa dhameystiray heshiis ku kacaya $5.5 bilyan oo lagu dhisayo xarun golf oo casri ah gudaha Qatar.

  • Caalamka

    13-05-2025

  • 05:03AM

Mareykanka iyo Shiinaha oo Heshiis Cusub Ka Gaaray Canshuuraha Ganacsiga

Xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha ayaa bilaabatay sanadkii 2018, mudo-xileedkii hore ee Donald Trump.

  • Caalamka

    12-05-2025

  • 07:58AM