Nigeria: boqollaal nin oo u tartamay guurka gabar dhallinyaro ah!

Image

Boqolaal mucaashiqiin ah ayaa hareeyay xarun raadiye oo ku yaal waqooyiga Nigeria kaddib markii gabar deegaanka ah ay sheegtay inay guri iyo gaari siineyso ninkii guursada.

Zainab Abdulmalik oo 23 jir ah ayaa sheegtay in khibrad xun ay kala kulantay jaceylkeedi hore, taasina ay ku kaliftay inay nin ku hesho habkan aan caadiga aheyn.

Gabadhani oo ganacsiga horumar ka gaartay ayaa sheegtay inay ku bixisay labo kun iyo shan boqol oo doolar saaxiibkeedi hore, kaddibna uu ka tagay.

Talaadadii ayey tagtay raadiye lagu magacaabo Freedom Radio oo ku yaal Kano, waxayna dalbatay ninkii la wadaagi lahaa mustaqbalka iyadoo ka sheegtay in ninka ay dooneyso ay da'diisu noqoto inta u dhexeysa 17 ilaa 25, uuna yimaado maalinta xigta. Waxayna ballan qaaday ninkii ay doorato inuu guri iyo gaari heli doono.

Maanta ayey boqolaal dhalinyaro oo aad u labisan isugu yimaadaan xarunta raadiyaha.

Wariyaha raadiyaha ee wareysanayay, Nasiru Zango, ayaa ku tilmaamay jawiga mid qasan markii ay mucaashiqiintu yimaadeen.

Zainab waqti badan iskama qasaarin, waxayna safka dheer ka dooratay nin. Lamana oga faahfaahinta ninka nasiibka leh.

Kaddib markii ay heshay ninkii ay dooneysay Zainab ayey goobta ka tagay iyadoo teleefonkeedu uu dansan yahay ilaa markaas.

Xigasho: BBC

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM