Nigeria oo hakisay isticmaalka gadiidka iyo xoolaha

Image

24 September, 2015(GO)-War ka soo baxay saraakiil ka tirsan amniga dalka Nigeria ayaa lagu sheegay inaysan dadweynuhu isticmaali karinta baabuurta iyo xayawaanka lagu safro.

Sababta ayaa Nigeria ku sheegtay inay ka cabsi qabaan weeraro Boko Xaram ka gaysato dalkaasi maalinta Khamiista oo ku beegan ciidul Adxa.

"Dhaq dhaqaaqa oo idil sida isticmaalka baabuurta, bushkuleetiyada, xayawaanka sida Fardaha, Dameeraha iyo Awrta waa la xadiday in lagu isticmaalo Maiduguri laga bilaabo 5pm maalinta Arbacada" sidaasi waxaa yiri afhayeen u hadlay ciidamada dalkaasi oo lagu magacaabo Tukur Gusau.

Sidoo kale waxaan la ogolaan doonin gawaarida ka baxda caasumadda Maiduguri iyo kuwa soo gala sida laga soo xigtay afhayeenka.

"Sidaasi si la mid ah, dhammaan baabuurta baxaysa iyo kuwa soo galaysa waxa la xadiday waqti kooban oo ku siman inta amar laga helayo"ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenku.

Arrintan ayaa timi ka dib weerar ay ku dhinteen 100 qof oo ka dhacay magalooyinka Maiduguri iyo Borno Axadii la soo dhaafay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM